(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku soo qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Ciidamadii ku sugnaa fariisimahaasi ayaa iska caabiyey Al Shabaabkii soo weeraray, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Kooxda ayaa weerartay afar xarun oo ka ku yaalla gudaha degmada Kaxda, waxaana meelahaasi ka mid ah Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo labo kale oo ah baro koontrool.
Goobahan waxaa ka dhacay dagaal aad u xooggan, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey inta badan xaafadaha Muqidsho
Inta la xaqiijiyey dagaalkii xalay waxaa ku geeriyooday 1 askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan weli la xaqiijin.
Kooxda Al Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeysay isku dayeysay in ay qal qal galiso amniga magaalada Muqdisho, waxaana weeraro joogto ah ay ku soo qaadeysay fariisimada ay ciidamada dowladda ku leeyiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.