Gudaha Soomaaliya, qoysas badan ayaa aqaladooda uga soo barakacay, sababo ay ugu horeyso abaarta, fatahaada iyo colaadaha, waxaana badankooda ay soo maciin bideen duleedka Muqdisho.
Dadkan oo kumannaan qof gaaraya ayaa wajahaya xaalado adag, waana kuwo uu shaki ku jiro nolol maalmeedkooda, isla markaana aaanan si toos ah u helin raashin ay quutaan 3-da waqti ee ay dadka caadigu wax cunnaan.
Biyo la’aan aad u xooggan ayey dadkan la daalaa dhacayaan, waxaana jirgaanka biyaha la iibiyaa labbo kun oo shillin Soomaali ah, taas oo aysan awoodin, maaddaama ay yihiin dad barakac ah.
Qoysaskan Barakacayaasha ah, ayey sidoo kale soo food saartay caafimaad darro aad u baahsan, waxaana qaar ka mid ah kaamamkooda ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.
Sababaha ugu weyn ee xanuunkan u nugleysay ayaa lagu sheegayaa, sixa xumo ka jirta xeryaha ay ku jiraan, waana kuwo isla isticmaala musqulo kooban oo ku yaalla xeryaha ay soo magansadeen.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka ayaanan si joogta ah uga warqabin dadkan, taas oo sii cusleysay xaaladda ay ku jiraan, waana kuwo waqtigan quus ka jooga nolosha, maaddaama ay ku hungoobeen filashadoodii ahayd in noloshooda ay wax iska baddeleyso marka ay yimaadaan Muqdisho.