Ciidamada deegaanka, ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa door muuqda ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyagoo weli wada baacsiga ay ku hayeen kooxdaasi.
Shalay oo u danbeysay waxey ciidamada deegaanku gacanta ku dhigeen Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen Ururka Al-Shabaab.
Deegaanka Dawacooley oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayey ka qabteen Gaari xamuul ah oo saanad aad u badan u siday KhaAl-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil katirsan laamaha amniga degmadaas.
War ay baahisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab oo helay xogta ah in saanadooda gacanta lagu dhigay ay isku dayeen in ay weeraraan ciidan deegaanka Balse cashar loo dhigay lagana dilay 3 ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaadday.
Baraha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Sawiradani qayb kamid ah shidaalka iyo raashinka la qabtay ee Al-Shabaab loo wadey, waxaana tallaabadan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ay ka socdaan degaano katirsan Galmudug.