Waxaa gudaha Mareykanka ka socota dacwada lagu soo oogay muwaadin u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo qorsheynayey inuu ku biiro kooxda Al Shabaab.
Muwaadinkan Mareykanka ah oo ku nool Masar, ayaa lagu magacaabaa Karrerem Nasr, oo 23 jir ah, kana soo jeeda magaalada Lawrenceville ee gobolka New Jersey.
Ninkan ayaa ayaa la xiray 14-kii December kadib markii uu kasoo duulay Masar oo uu yimid Nairobi, Kenya, halkaas oo sida xogaha lagu helay uu kula kulmi rabay xubno ka tirsan Al Shabaab, si uu kooxdaasi ugu biiro.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkan uu isku dayey inuu ku biiro Al-Shabaab, islamarkaana sida ay hadalka u dhigeen uu jihaad ku qaado Mareykanka iyo xulufadiisa kadib weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel 7-dii October.
Ninkan oo ay dacwadiisu socoto ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay in uu taageero agab siiyo urur ajnabi ah oo loo aqoonsaday argagixiso.waxana haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay uu muteysan karaa illaa 20 sano oo xarig ah, sida sharciga Mareykanka uu dhigayo.
Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Karrerem Nasr ayaa muujiyay rabitaankiisa ku biirista Al-Shabaab kadib qoraallo uu soo dhigay online-ka iyo xiriir uu la sameeyey qof si sir ah ula shaqeeya FBI-da oo lacag la siiyey, kaasi oo isu ekeysiiyay fududeeye ka tirsan ururada argagixisada.