Dab xooggan ayaa saakay aroortii ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdala Shideeye, waxaana dabka uu baabi’yey qeybo ka mid ah dukaamadii ganacsiga ee halkaasi ku yaallay, iyadoo agabka basbeelayna ay ugu badnaayeen qalabka electornica ee lagu iibinayey Cabdla Shideye.
Ganacsatada suuqaasi iyo dadkii ka agdhawaa goobta dabku ka kacay ayaa goor hore ku soo xoomay gudaha suuqa, waxaana goobta soo gaaray gawaarida dab damiska gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada isgaaarsiinta Hormuud, iyadoo markii danbe lagu guuleysta in dabka la damiyo.
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo Saxaafada kula hadlay gudaha suuqa bakaaraha ayaa xusay in maamulka gobolka uu howl badan ka qabtay daminta dabkii Bakaaraha ka kacay.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dabka saakay ka kacay suuqa bakaaraha uu ka billawday walxa qarxa oo la dhigay afaafka hore ee dukaamada Cabdala Shideeye, wuxuuna xusay in halkaasi uu ku geeriyooday hal qof oo suuqa ilaalo ka ahaa.
Gubashada suuqyada Muqdisho ayaa noqotay mudooyinkii ugu danbeeyey mid soo noq noqota taas oo saameyn kala duwan ku yeelata ganacsatada, kuwaas oo ku hanti waaya dabka ka kaca suuqyada.

