(Hortabin Media) – Walaac fara badan ayaa laga soo werinayaa dadka ku nool meelaha ay ka arrimiyaan Al Shabaab, kuwaas oo iminka ku sugan xaalad halis ah.
Kooxda ayaa billawday mudooyinkii ugu danbeeyey in ay barakiciso dadka ku sugan deegaanada ay isaga baxayaan, waxeyn dadka usii kaxeystaan meelaha kale ee ay ku dhuumaaleysanayaan.
Kooxda ayaa qasab guryahooda uga waday dad aad u fara badan, kuwaas oo iminka u nugul in ay waxyeelo ka soo gaarto howl galada ay ciidamada dowladda ku baacsanayaan argagixisada.
Al Shabaab ayaa sidoo kale dadka ka qaaday taleefanada gacanta, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in la ogaado xogahooda.
Walaaca ayaa saameeyey dadka ku nool Jubada dhexe oo ay Al Shabaab gacanta ku heyso, welina aan lagu qaadin wax dagaal ah, waxaana kooxdu ay kordhisay caddaadiskii ay ku heysay bulshada.
Al Shabaab ayaa sidoo kale qoysaska ka kaxeysaneysa caruurtooda, si ay uga dhigaan dagaalyahano u dagaallama afkaartooda, waxaana askareynta ubadka ay gaartay waqtigan heerkii ugu sareeyey.