Waxaa muddo toddobaad ah ku dhaw jaran, wadada isku xirta Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe, oo ka tirsan goobaha uu ka arrimiyo maamulka Puntland.
Sababaha ugu weyn ee isku socodka hakisay ayaa lagu sheegay, in ay go’day wadadii isku xireysay magaalooyinkaas, sababo la xiriira roobab xooggan oo bur bur u geystay.
Roobab xoog leh oo da’ay ayaa jaray buundooyinkii dhawaan la sameeyey ee u dhexeeya tuulada Xaaji Khayr iyo Dangoroyo ee gbolka Nugaal, taas oo ilaa maanta maamulku aanu ka hadlin sidii dib loogu dayac tiri lahaa.
Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuurtay dadka isticmaala wadadaasi, gaar ahaan ganacsatada iyo darawalada gaadiidka, kuwaas oo hakad uu ku yimid dhaq dhaqaaqooda.
Buundada iminka bur burtay, waxaa kal hore xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland, iyadoo lagu dhisay canshuur ay bixiyeen dadka shacabka ah iyo dhaqaalle kale oo ay ku kabtay Puntland.