Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dagaallamay deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku soo qaaday deegaanka, waxeyna iska caabin kala kulmeen ciidamada dowladda.
Intii uu dagaalka socday, ciidamada dowladda ayaa sameeyey dib u gurasho, waxaana abaabul kadib ay dib ugu laabteen Daaru-Nicma, oo ay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan.
Dhinacyada dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalku uu qaatay in ka badan 8 saacadood.
Kooxda Al Shabaab ayaa si joogta ah weerar ugu soo qaada inta badan deegaanka Daaru-Nicma oo kal hore laga xoreeyey, waxaana arrintani keenaya kooxda oo weli ku dhuumaaleysaneysa deegaanada hawdka ah ee ku yaalla duleedka deegaankaasi.