Ciidamo aad u careysan ayaa maanta xiray wadada soo gasha Madaxtooyada Puntland, iyagoo hakiyey dhaq dhaqaaqii halkaasi ka jiray.
Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyagoo sheegay in bilo dhowr ah aanay qaadan wax mushaar ah oo ka yimid maamulka Puntland.
Ciidamadan ayaa xuquuqda ka maqan waxey sheegeen inuu afka u dhigtay hoggaanka maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, oo ku eedeeyeen inuu mushaaraadkooda u isticmaalay olalaha doorashada maamulkaasi.
Wadada ay ciidamadan xirteen oo soo gasha Madaxtooyada Puntland, ayaa ah mid muhiim ah, waxaana ku shaqeeya wasaarado kala duwan, iyadoo ay ku yaallaan dhowr hotel.
Dhacadan oo maanta aad looga hadal hayo Garoowe, ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo xal u raadinaya cabashada ka soo yeeraysa askarta gadooday.