Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa howlgal lagu sugayo amniga ka billaabay xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka dhacayeen falal amni darro.
Saraakiil u hadlay Booliska Kenya ayaa xusay, in howlgalkan uu sii socon doono, iyagoo xusay in ay baaritaan ku sameyn doonaan dadka ka gudbaya xadka.
Booliska Kenya ayaa tilmaamay in ay ku baraarugsan yihiin ficilada Al Shabaab, oo sanadihii la soo dhaafay saameyn xooggan ku lahaa xadka labada dal, iyagoo halkaasi ka geysanayey weeraro noocyada kala duwan isugu jira
Dhawaan ayey ahayd markii ay Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay wada saxiixdeen heshiis ku aaddan sidii la isugu furi lahaa sohdinta labada dal u dhaxeysa.