(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda oo maalmihii ugu danbeeyey la wareegay deegaanno hoostaga degmada Camaara ee gobolka Mudug ayaa ku dhaw maanta in la wareegaan degmaadaasi.
Ciidamada ayaa haatan ku sugan deegaanka Bacaad weyne, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay u ruqaansadaan dhanka Camaara.
Ciidamadan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaabaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo xoojinaya gulufka ka dhanka ah Al Shabab.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyey gobollada dhexe ka waday howlgalka wajiga labaad ee looga soo horjeedo Al Shabaab, waxeyna u guuleysteen in ay qabsadaan deegaanno dhowr ah.
WQ: Ayaanle Qosyte