Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyey sameeyey howlgal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan amaanka dalka.
Ciidamada howlgalka sameeyey oo isugu jiray Boolis iyo Nabad Sugid, ayaa si gaar ah baaritaanka ugu sameeyey labada Shabelle iyo gobolka Banaadir.
Howlgaladaas oo socday in ka badan 7 saacadood ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku soo qabteen rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, kuwaas oo aan tiradooda la xaqiijin.
Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee todobaadyada ay sameeyaan ciidamada dowladda, waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo bandhigo ragii lagu soo qabtay howlgalkaasi.
Saraakiishii howlgalkaasi hoggaamineysay oo uu ka mid ahaa Taliyaha ururka guutada koowaad ee ciidamada u tababaran sida milatariga Dhamme Maxamed Aadan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kala ah.