Howlgal ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen Duleedka Degmada Xarardheere ayey ku suura gashay in gacanta lagu soo dhigo shidaal ay kooxda Al Shabaab, halkaasi kala soo degtay.
Howlgalkan waxaa iska kaashaday ciidamada GOR GOR iyo Danab, waxaana si gaar ah looga fuliyey deegaanka Howdley oo hoostaga degmada Xarardheere.
Ciidamada ayaa sheegay in shidaalkan oo la soo mariyey dhanka xeebta lagu keenay doomo, waxeyna sidoo kale gacanta ku dhigeen labbo nin oo shidaalkaasi Al Shabaab u waday.
Shidaalka ayaa cadadiisa lagu sheegay 150 jirgan, waxeyna ciidamadu sheegeen in ay wadaan baaritaano la xiriira xogta rasmiga ah ee dadka howshan kaalinta weyn ka geystay.