Muqdisho, 30-sodonkii sano ee la soo dhaafay,waxaa lala tacaalayey sugida amniga caasimada, inkastoo weli dul duleelo amni jiraan, misana waqtigan xaalad waxey u muuqataa mid ka soo reyneysa.
Dowladda oo isticmaaleysa xeelado lagu sugayo amniga magaalada ayaa shacabka ku amarta in ay guryahooda ku xirtaan Camerada CCTV, taas oo door weyn ka qaadaneysa sugida amniga, isla markaana tixraac noqoneysa marka ay dhacaan falal lidi ku ah amniga.
Masuuliyiinta dowladda Hoose ee xamar, waxey dib u milicsanayaan sida kolkii hore ay shacabku culeys ugu ahayd xirashada kaamirooyinkan iyo heerka maanta ay joogaan oo ah mid ay dowladda ka codsanayaan in ay kala shaqeyso sidii ay Caamirooyinkaas u xiran lahaayeen.
Sidoo kale Shacabka ayaa sheegaya in mudnaan gaar ah ay ugu fadhiso kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba, waana kuwa tilmaamaya in ay yareysay falal danbiyeedyadii ay burcadu xilliyada habeenkii ah geysan jireen.
Daruufaha dhaqaale iyo walaaca amni ee qoysaska qaar isku biirsatay ayaa ku xanbaartay in 5-tii qoys ama 3-dii qoys ay lacago isku darsadaan, soona iibsadaan kamirada CCTv.
Hanaanka kaamirooyinka loogu xirayo guryaha iyo goobaha ganacsiga magaalada muqdisho ayaa soo martay maraaxillo kala duwan waxana dadku ay markii hore tallaabadaasi ka muujiyeen cabsi iyo walal fara badan maadaama ay ururka al shabaab kala kulmeen hanjaabdyo iyo qaraxyo ay ka fulinayeen meelaha kaamirooyinka lagu xiro hase ahaatee bilo kooban kadib arrintaas waxay noqotay mid si weyn uga dhaqan gashay magaalada muqdisho iyadoo maatana la arkayo in 20ka degmo ee ay ka koobantahay aanay jirin goob anaay ku xirnayn waxana ay arrintani ay hoos u dhigtay falalkii amni darro ee horey uga dhici jiray magaalada.

