Hay’ada Akram Foundation oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha gurmadka bulshada isla markaana ay ku mideysan yihiin dhallinyaro samafalayaal ah oo ku kala sugan dalka Mareykanka iyo gudaha Muqdisho, ayaa caruur soomaaliyeed oo agoon ah u qeybisay dharkii ay ku ciida lahaayeen ciidul fidriga fooda inagu soo heysa.
Caruurta dharka ciida loo qeybiyey ayaa ku jira xarumo kala duwan, oo ku yaalla muqdisho, kuwaas oo oo lagu xanaaneeyo ubadka agoonta iyo kuwa danta yar.
Dhalinyaradan samafalayaasha ah ayaa gurmadkii ugu horeeyey oo dharka ciida ah gaarsiiyey xarunta agoonta ee degmada Boondheere, iyagoo ciidsiyey 100 ka mid ah ubadka agoonta ah ee xaruntaasi lagu hayo waa kan gudoomiyaha Akram Foundation Maxamed Cabdi Ibraahim oo ka waramaya ujeedada howsha ay wadaan oo ku tilmaamay mid muhiim ah.
Agaasimaha xarunta agoonta Boondheere Nuurto caddow aya ka maha celisay gurmadka dharka ciida ah ee ay dhallinyaradan soo gaarsiiyeen caruurta ku jirta xarunta ay maamusho.
Dhallinyaradan ku midowday hay’ada samafalka ee Akram ayaa deeq isugu jirta dharka ciida iyo agabka ay maamlmahaasi ku ciyaaraan caruurta, waxa ay geeyaan xarunta xanaanada caruurta ee maamo ugaaso sida uu tilmaamayo gudoomiyaha Akram Foundation oo sidoo kalana dadka ladan ugu baaqay taageerida caruurta agoonta ah.
Maamo ugaaso oo ah Agaasimaha xaruntan ayaa dhankeeda ka warantay muhiimada ay leedahay taageerada ubadka ay gacanta ku heyso uga timid dhallinyaradan samafalayaasha ah.
Gudaha Soomaaliya, colaadihii kala duwanaa ee dalka ka dhacay ayaa kordhiyey tirada caruurta waalidkooda ku waayey amni darada dalka ka jirta, waxana badi ubadka agoonta ah ay yihiin kuwo ku dayacan wadooyinka magaalada, iyadoo aysan jirin cid masuuliyad rasmi ah iska saarta wax u qabashadooda.