Waxaa xoogeysanaya wal walka dhanka amniga ah ee dadka ku nool Ruun-Nirgood kala kulmayaan Al Shabaab, oo bilo ka hor laga saaray degmadaasi.
Kooxda oo ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee yaalla daafaha degmadaasi, ayaa halkaasi ka soo qaada weeraro ay ku beegsanayaan maamulka degmadaasi iyo dadka shacabka ah.
Dhawaan waxey Al Shabaab degmada ka afduubteen in ka badan 30 ruux, kuwaas oo markii danbe ay suura gashay in ay ciidamada dowladda dib u furtaan, maalmo kooban kadib.
Waxaa kordhaya fariimaha cabsida ah ee ay u soo dirayaan dadka rayidka ah, iyagoo uga digaya in ay ka fogaadaan xiriirka ciidamada dowladda.
Axadii shalay ahayd, waxey qarax miino ku dileen xoghayihii degmadaasi, Abuukar Jawiin Caddow iyo darawalkiisa, iyagoo maalmo ka horna hub culus ku weeraray masaajidkii ay degmada lahayd oo ku yaallay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga Ruun-Nirgood.