Ururka Waddaniga Xorreynta Ogaadeen (ONLF), oo gobolka Soomaalida ee Itoobiya laga aasaasay 1984-kii, kuna soo jiray dagaallo marar xoogeysanayay mararna shiikhayay, muddo afartan sannadood ku dhaw, waxa uu heshiis nabadeed oo ka dhacay Asmara la galay Xukuumadda Federaalka Itoobiya, sannadkii 2018-kii. Heshiiskaas, oo ahaa mid labada dhinac ay isla qaateen nabad iyo in ay colaaddu dhammaato, waxa uu ururku oggolaaday hub dhigis iyo in uu u jeeddooyinkiisa siyaasadeed ku raadiyo qaab nabdoon oo ka dheer colaad. Halka ay dawladda Itoobiya ogolaatay in ay meesha ka saarto dhammaan hawlgalladii ciidan ee ka dhanka ahaa Ururk, kana saarto liiska argagixisada, iyo in ay cafis u fidiso dagaalyahannada Ururka.
Heshiiskaas, oo qayb ka ahaa isbeddelladii siyaasadeed ee uu Raysal Wasaare Abiy Axmed ku waday Itoobiya, nabadduna ka ahayd qayb laxaad leh, waxa uu ONLF u rogayay urur siyaasi ah oo si sharci ah uga hawlgala gudaha Gobolka Soomaalida, iyo, guud ahaan, Itoobiya. Ha se ahaato e, arrimuhu uma shaqeyn sidii uu ururku filayay. Labo sannadood ka dib, waxa uu ururku ka baxay tartankii doorashooyinka heer gobol iyo qaranba waxanu ku eedeeyay Xisbiga Barwaaqo ee talada haya in uu sameynayo wax isdaba-marin baahsan iyo in aanu jirin nidaam hufan oo lagu tartami karaa. Sidaas oo ay tahay, waxa uu ururku, waqtigaa, ku celiyay in uu u hoggaansan yahay heshiiskii nabadda ee uu ururku la galay Xukuumadda Itoobiya.
Intaas waxii ka dambeeyay, waxa isa soo tarayay niyadjabka uu ururku kala kulmayo siyaasadaha gobolka iyo midda guud ee Itoobiya, waxana ay xubno sarsare oo ururka ka tirsani dib u bilaabeen tabashooyinkii taariikhiga ahaa ee gobolka Soomaalida, iyo in heshiiskii Asmara aan loo fulin sidii uu ahaa oo aanu dhaqangalin si macne leh, arrintaas oo sii kordhisay kala-fogaanta ururka iyo siyaasadda Itoobiya, keentayna, dhanka kale, in uu ururka ku yimaaddo dildillaac gudaha ahi. Bishii Juulay ee sannadkan, waxa ay garab ururka ka tirsani doorteen hoggaan cusub oo ah Cabdikariin Muuse (Qalbidhagax), tallaabadaas oo uu hoggaankii jiray ee ururku canbaareeyay isaga oo xukuumadda Deegaanka Soomaalida eedeeyay in ay ka dambeyso qaska ururka.
Mawqifkii u dambeeyay ee ururku waxa uu dibedda yimid dhawaan, markii ay Itoobiya xadhigga ka jartay wejiga koobaad ee mashruuca gaaska dabiiciga ah oo laga hirgaliyay deegaanka Jeexdin ee Gobolka Soomaalida. Tallaabadan ayaa uu ururku canbaareeyay kuna tilmaamay arrin ay Itoobiya ku tallaabsatay, iyada oo aan laga talogalin dadka deegaanka, waxana uu ururku ku tilmaamay mashruuc sharci-darro ah oo ku xadgudbaya xuquuqda Soomaalida deegaanka ee ‘gaarka u leh’ khayraadka deegaankooda. Markii ugu horreysay ayaa uu ururku dib u adeegsaday erayadii ‘halganka’ sida gumeysi iyo ‘aaye-ka-tashi’. Waxa uu ururku ku yidhi bayaan uu soo saaray oo arrintan ku saabsan; “Shacabka Soomaalidu waxa uu weli ku hoos nool yahay gumeysi daakhili ah oo ku dhex haysta Itoobiya” waxanu ku eedeeyay Raysal Wasaare Abiy Axmed in uu ku wacadfuray ballanqaadyadiisii heshiiska Asmara.
Hadalka ka soo yeedhay Ururka ONLF ee ku saabsan mashruuca gaaska dabiiciga ah ee gobolka Soomaalidu waxa uu dib inoo xusuusinayaa dhacdadii Cobolle, ee sannadkii 2007, xilligaas oo uu ururku weeraray goob laga hirgelinayay mashruuca shidaal oo ay gacanta ku haysay shirkad Shiine ahi. Waxa uu ururku, berigaas, halkaa ku dilay tiro gaadhaysa 74 qof oo ay ku jireen shaqaalihii farsamada iyo maamulka ee Shiinaha ahaa. Waxa uu waqtigaa ururku ku dooday in uu difaacayay xaqa dadka Soomaalida ee gobolka oo uu nidaam gumeysi ahi boobayo. Waa dood la mid ah midda ay hadda jeedinayaan hoggaanka ururka ee saluugsan midhaha heshiiskii Asmara. Haddaba, ma laga yaabaa in Ururka Waddaniga Xoreynta Ogaadeen (ONLF) uu dib ugu noqdo dagaalkii jabhadeynta ee ‘halganka’?
Hadalladii u adkaa ee ururku waxa ay soo baxeen dhawaan oo uu canbaareeyay mashruuca gaaska dabiiciga ah ee uu gobolka ka furay Raysal Wasaare Abiy. Waxa uu ururku adeegsaday erayadii halganka sida ‘gumeysi’ iyo ‘aaye-ka-tashi’ waxana uu mawqifkiisu dad badan xusuusiyay weerarkii 2007 ee aagga shidaalka iyo weyddiin ku saabsan in uu dagaalkii ku laaban karo!
Arrintaas waa uu dhayalsaday Madaxweyneha Dawladda Soomaalidu, Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar). Mar la weyddiiyay in uu ka werwersan yahay in ONLF dib ugu noqoto duurka, waxa uu sheegay in aanu cabsi ka qabin “sababta oo ah marka horeba duurka kuma ay jirin hoggaanka ururku” isaga oo si dadban ugu eedeeyay in shakhsiyaadka hoggaanka ahi aanay, marka horeba, iyagu ku jirin dagaalka ay shacabka galiyeen. Dhab ahaan, gobolka Soomaalida waxa lagu tilmaamaa hadda in uu ka mid yahay meelaha ugu deggan Itoobiya. Waa gobolka qudha ee ka tirsan gobollada waaweyn ee Itoobiya ee aanay hadda ka jirin jabhad firfircoon oo khatar ku ah amniga iyo degganaanshaha, halka uu berigii hore ka ahaan jiray deegaanka ugu degganaanshaha yar Itoobiya. Degganaanshahaas ka jira gobolka waxa loo aaneeyaa labo sababood; furfurnaantii uu Abiy Axmed muujiyay markii uu xukunka yimid oo culeys badan ka qaadday gobolka Soomaalida iyo guud ahaan Itoobiya, inta aanu dhicin dagaalkii Tigreey, iyo dhicitaankii hoggaankii hore ee maamulka gobolka, Abdi Maxamuud Cumar, oo ku suntanaa foolxumooyin baahsan oo ka dhan ah bani’aadannimada. Arrintaasi waxa ay keentay degganaansho iyo nabad ay dadka deegaanku dareemeen, muddo dheer ka dib; waxa ay degganaansho ka heleen colaaddii jabhadda, waxana ay ka nabadgaleen tacaddiyadii maamulka. Arrintaas awgeed, waxa ay dad badani qabaan in aanu shacabka deegaanku niyad u haynin colaado cusub, waxana suuragal ah in Madaxweyneha maamulka Soomaalidu uu isku halleynayo dareenkaas shacabka marka uu carinayo hoggaanka ONLF.
Ururka ONLF oo jiray 41 sannadood oo inta badan ahaa halgan, waxa uu isu arkaa ururka leh metaaladda sharci ee shacabka gobolka Soomaalida. In kaste oo muddadaas dheer ee halganka ahba aanu gaadhin wax guulo ah oo mug leh ama uu ku gorgortamo, haddana ka qaybgalkiisii siyaasadda ayaa muujiyay tamardarro siyaasadeed oo aad u kala durkisay hankiisa iyo itaalkiisa
Fursadaha Dagaal Cusub
Waxa dhab ah in Ururka ONLF uu aad u tamardarreeyay, ka hor inta aanu hubka dhigin ee aanu ciidankiisana kala dirin, ka dib heshiiskii Asmara. Ka qaybgalkiisa siyaasadeedna waxa uu ku keenay kala furfuran gudeed oo xooggan. In badan oo ka mid ah taageerayaashii ururka, xilligii halganka, ayaa markii ay siyaasadda gudaha ee maamulka galeen uga baydhay sababo la xidhiidha siyaasadaha gudaha iyo loollannada qabiil ee awoodda. Si kale, ururka ONLF waxa uu dhigay nuxurkii halgankiisa ee ahaa ‘xoreynta Ogaadeen’ waxana uu sidaas ku lumiyay sababtii taageerada ee qaybo badan oo ka mid ah dadweyneha deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale, hoggaankii ururku ma mideysna. Waxa, heshiiskii nabadda ka dib, xilka ka degay hoggaamiyihii muddada dheer hagayay ururka, Adimraal Maxamed Cumar Cismaan, kaas oo hoggaaminayay ururka intii u dhexeysay 1998 illaa 2019 (21 sannadood). Admiraal Cismaan, oo hore u soo noqday sarkaal ciidan oo ka tirsan Xooggii Dalka Soomaaliya isla markaana ka soo shaqeeyay xafiiskii siyaasadda xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliya, waxa lagu tilmaamaa nin leh hoggaamin isku-wad ah se aan qaadan go’aanno adag oo lagu kala baxo. Sababtaas awgeed, waxa uu muddo dheer ururka ku hayay in uu noolaado laakiin aanu sameyn kacdoon macne leh. Muddada dheer ee uu talada hayay waxa ay keentay in saraakiishii burjiga lahaa ee ururka ay in badani hawlgab noqdeen, in badanna ku dhinteen dagaalladii ururka sida Maxamed Siraad Doolaal oo ay Itoobiya dishay 2009. In uu Admiraal Cismaan banneeyay hoggaanka, muddo dheer ka dib, iyo in uu ururku joojiyay halgankii hubeysnaa waxa ay keeneen loollan awoodeed oo siyaasi ah oo u dhexeeya garabyo ururka ka dhex jiray, waxa uu ka qaybgalkoodii siyaasadda deegaanku fududeeyay in dhinacyo siyaasi ah oo ka baxsan ururku ay saameyn ku yeeshaan dhismihiisa gudaha ugana sii daraan qaybsanaantiisa.
Sidaas awgeed, ONLF hadda waa urur kala qaybsan, lumiyay halhayskii jiritaankiisa ee ahaa ‘gobonimada Soomaalida Itoobiya’ isla markaana ay ka filiqday taageeradii bulsho ee aan marka horeba lahayn abaabulka xooggan. Fursadaha uu ururku, markaa, ku gali karo halgan hubeysan, mar kale, waa kuwo aad u kooban, ururkuna ma hayo hadda diyaarsanaan ciidan iyo saanad, iyo mawqif siyaasadeed oo arrintaa isku raaci kara.
Heshiiskii Asmara ka dib, ururka ONLF ma dhiibin keliya qorigii ee waxa uu dhiibay oo kale ‘qaddiyaddii’ lagu taageeri jiray. Sidaas awgeed, hadda waa urur qaybsan, lumiyay halhayskii jiritaankiisa kana filiqday taageeradii bulsho oo aan hadda haynin tamar iyo mawqif mideysan oo uu waqtiga dhaw dib ugu bilaabi karo ‘halgan’ kale
Sidaas oo ay tahay, kama dhigna in aan ururka ama garabyo ka mid ahi ridi karin iskudayo colaadeed oo saameyn kara deegaannada qaar, taas oo ugu yaraan dhaawac gaadhsiin karta mashaariicda shidaalka ee gobolka. Dawladda Itoobiya ma mooggana khatartaas, si kaste oo ay u yar tahay, gobolka Soomaalidu waa halka ugu dambeysa ee ay hadda colaado uga baahan tahay. Mashruuca shidaalka oo qiime weyn ugu fadhiya Raysal Wasaare Abiy, xuduudka Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga jirto difaacyo amni (al-Shabaab) iyo kuwo istiraatiiji siyaasadeed (loollanka Masar), iyo gobolka Soomaalida oo ah meelaha uu ugu xooggan yahay dareenka goosashada ee Itoobiya oo dhan huursan, sababo la xidhiidha sooyaalkii sameysanka Itoobiya iyo cadaadisyada talisyadii kala dambeeyay ee Itoobiya, intaasiba waxa ay Itoobiya u yihiin sababo gundhig ah oo ay uga taxaddarto in ay colaadihii dib uga bilowdaan gobolka Soomaalida. Waa dhab in ay ONLF aad uga taagdaran tahay in ay halgan dib u bilowdo, waxa se sababo halgan dib u curin kara sida ay Itoobiya u maamusho arrimaha shidaalka ee gobolka, taas oo kordhin karta tabashooyinka Soomaalida ee dulmiga iyo faramadhinta ay ku hayeen dawladihii kala dambeeyay ee Itoobiya.

