Dowladda ayaa ku eedeysay suxufigan faafinta warar been abuur ah iyo anshax xumo, taas oo aysan dowladdu u keenin cadeyn rasmi ah.
Muuqaal uu duubay Weriyaha ayuu kaga hadlay, xiriirka jaadka iyo ciidamada u dhaxeeya, taas oo ah caqabad jirta, wuxuuna dhanka kale soo hadal qaaday dhibaatada laga dhaxli karo in madaxda dalka ay qeyb ka yihiin ka ganacsiga qaadka.
Hiil iyo garab istaag fara badan oo uu ka helay bahda saxaafada iyo ururada xuquuqul insaanka ayaa suura geliyey in xabsiga laga sii daayo, waxaana dowladda Soomaaliya ay xarigiisa ka dhaxashay Fadeexad culus.
Qaabka ay ula dhaqmeen oo ahayd mid aad u liidatay iyo eedeynta waxba kama jiraanka ah ee ay dusha uga tuureen ayaa daliil u noqotay caburinta ay dowladda ku heyso warfidiyeenada, taas oo qeylo dhaan ballaaran laga muujiyey diideyna in saxafiga xabsiga lagu sii hayo.