Hoggaamiyihii hore ee gobolka Hiiraan, oo dhawaan oo loo magacaabay u qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha ee ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, ayaa wada waqtigan dadaalo kala duwan.
Cali Jeyte Cismaan ayaa toddobaadkan booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda maamulka iyo waxgaradka.
Cali Jeyte oo ay hoos-tagaan dhamaan ciidamada Macawiisleyda ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Al Shabaab, ayaa wada qorshe uu ku mideynayo cududa ciidamada deegaanka.
Cali Jeyte ayaa ka dalbaday Galmudug in ay u soo gudbiso tirada rasmiga ah ee Macawiisleyda ka howl gasha deegaanada maamulkaasi, si uu u qalabeeyo isla markaana ay u yeeshaan xiriir toos ah.
Arrintan ayaa kaalin weyn ka geysan karta gulufka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolkada dalka, kaas oo markii horeba ku billawday kacdoon ay sameeyeen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan bartamaha Soomaaliya.