Cabsida joogtada ee laga qabo in dagaal ballaadhani kasoo cusboonaado Waqooyiga Itoobiya waa mid salka ku haysa galdaloollada “Heshiiskii Biritooriya” ee nabadda kaas oo ahaa heshiis yoolal cad lahaa, se hirgelintiisu dabranayd. Sannadkii 2022, Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu xulufadiisii Eretariyaanka iyo Amxaarada ahaa kedis kaga dhigay in uu heshiis la gaadhay jabhadda TPLF, se heshiisku waxa uu ahaa mid u dhow is afgarad hormuudka dhinacyadu gaadheen, in ka badan inta uu ahaa heshiis loo dhan yahay oo bulsheed, waana kan maanta dib u furfurmaya: gobolkii Amxaaradu waxa uu ku kacsanyahay Abiy Axmed, xidhiidhka uu Abiy Axmed la leeyahay madaxweynaha Eretariya, Asiyaas Afawerkina waa mid ilaa xad hoos u dhacay.
Afawerki waxa uu saadaalinayaa suurogalnimada dagaal cusub oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eretariya ka dib dagaal ba’an oo laba sanno socday, soona dhammaaday sannadkii 2000 kaas oo xudduntiisu tahay gobolka Tigrayga, iyadoo haldoorkii gobolkani kala jabay. Garab ka mid ah hoggaankii gobolku waxa uu hadda la safan yahay Abiy Axmed, iyagoo garab ku siinaya ka takhalluska saaxiibbadoodii shalay kula jiray TPLF, halka garab kale oo hoggaanka dawlad-deegaankan ahina la safan yahay cadawgiisii soojireenka ahaa ee nidaamka Eretariya. Suurogalnimada in gobolkani holco, waxa ay sii kordhinaysaa werwerka laga qabo in holocaasi gobolka ku faafo.
Dagaalka ka dib, Abiy Axmed waxa uu deegaankan Tigrayga u maray siyaasadda ah “qaybi oo xukun”, se loollanka gudeed ee u dambeeyey waxa uu ku khasbay inuu isbeddel ku sameeyo taatikadiisa. Heshiiska Biritooriya ka dib, Addis Ababa waxa ay xulufadeeda cusub ee Tigrayda usoo bandhigtay hawlgallo milatari oo ay iska kaashadaan: marka koowaad hawlgallo ka dhan ah jabhadda FANO, ka dibna mid kale oo ka dhan ah Eretariya, se Addis Ababa waa ay ku fashilantay inay gacanta ku wada dhigto haldoorka xisbi iyo milatari ee Tigrayda, sababtoo ah loollanka loogu jiro awoodda iyo isku maandhaafka isla xisaabtanka ayaa qotodheereeyey kala fogaanta haldoorkan.
Heshiiskii Nabadda ka dib, Abiy Axmed waxa uu maamulka deegaanka u dhiibay hoggaamiyeha caanka ka dhx ahaa Jabhadda; Getachew Reda, oo madaxweyne ka noqday maamulka dawlad=deegaan u meelgaadh ah oo Tigrayga loo dhisay. Federaalku waxa uu keenay taageero maaliyadeed iyo awoodba, se madaxbannaanidii siyaasadeed baa su’aali ka timi, oo waxay noqotay markii koowaad ee la arko awooddii TPLF ee deegaanka Tigrayga oo madmadow gashay. Muxaafidiinta xisbigu waxa ay la safteen hoggaamiyaha ruugcaddaaga ah ee Debretsion Gebremichael, Tigrayguna waxa uu sidaas ku galay xaalad hore-iyo-dib diid ah.
Kala qaybsanaantu waxa ay sii xoogaysatay kolkii Jabhadda oo garabkeeda amnigu taageerayo, ay qabatay shir 13-kii Ogos ee 2024, meeshana laga saaray garabkii Getachew Reda, si ay u xoojiso gacan-ku-haynteeda maamulka. Addis Ababa – oo taatikadeedu ahayd kala qaybin gudeed oo jabhadda ah – kolkan waxa ay is tustay suurogalnimada in jabhadda iyo Eretariya heshiiyaan, welibana dagaalyahannada FANO-na ku biiri karaan isbahaysigaas. Maamulka ku meelgaadhka ah ee gobolka waxa madaxweyne loogu doortay Tadesse Werede, oo ah tallaabo loo arko in jabhaddu dooratay.
Xeerinta heshiiska nabadda
Addis Ababa waxa ay adeegsatay cudud dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Warbaahinta rasmiga ahi waxay dib u bilawday in gobollo la isku haysto – horena Tigraygu u maamuli jiray ay ku tiriso qayb Amxaarada ka mid ah. Dawladdu waxa ay dhintay shixnadihii shidaalka iyo alaabta, waxaana kor loo qaaday shaqooyinka dadka wakiillada ah. Masuuliyiinta Federaalku waxa ay dhinacooda taageereen jabhad kasoo horjeedda TPLF oo loo bixiyey “Simret”, kuna baaqday kacdoon, shacbiyadna ka heshay koonfurta deegaanka oo ah halka uu Getachew kasoo jeedo.
Taddese Wereda, Waa nin lagu yaqaanno hadalkiisa kooban iyo in aan si fudud loo akhrin, waana sababta labada dhinacba u dhawrayaan warkiisa. Tallaabooyinkiisa istaraatiijiyadaysan ee kulmista tanaasul iyo ku adkaysi isdiiddo noqdaa waxa ay muujinayaan: wiiqidda salkii awoodda jabhadda iyo ka fogaanshaha in uu u muuqdo in uu si toos ah xukuumadda dhexe u raacsanyahay, habka kaliya ee arrinkaas sahli karaana waa in uu maamulkiisa dhexdhexaadnimada dhidibbo uga taagaa.
Qaar ka mid ah dagaalyahannadu waxa ay isku abaabuleen jabhadda Xoogagga Nabadda Tigray, waxaanay kaalmo ka heleen saldhigyo ku yaalla deegaannada Canfarta iyo Amxaarada. Addis Ababa waxa ay dagaalka u dhigtaa dhibaato gudeed; laba dhinac oo Tigray ay u dhexeeya, iyadoo sheeganaysa xeerinta qodob ka ah in aan lagu xadgudbin Heshiiskii Biritooriya.
Milatari ahaan, malleeshiyaadka Federaalku taageerayaa horumar la sheego may samayn, oo kuwo badan oo ka mid ah dagaalyahannadu waxa ay dib ugu laabteen Tigrayga iyagoo niyadjabsan, amaba waxa la xidhay iyagoo isku dayay laabasho. Hase ahaatee, guulaha dhabta ah ee xukuumadda dhexe waa kuwo la xidhiidha dagaalka afka, heer dadkii deegaanku sheegayaan in cadawgii jabhaddu hadda shacbiyad deegaanka ku dhex haysto, taageeradii badnayd ee jabhaddana imika lala yaabo. Halkan baa farqiga amakaagga ahi ka jiraa; bilo ka hor Heshiiska Biritooriya, dadku waxa ay ka midaysnaayeen iskacaabbin jabhaddu horkacayso, dhaliilidda xisbiga ama ammaanta Xisbiga Barwaaqo ee Abiy hoggaamiyaa waxa loo arkayey dhabarjabin, se hadda arrinkaas la isku raacsanaa wuu qarsoomay.
Ololaha baraha bulshada ay ka wadaan dad Tigray ah oo dawladda dhexe taageersan, waxa lagu qaadaadhigaa nolosha adkaatay dagaalka ka dib iyo gefafkii jabhadda: jahawareer maamul oo xilligii dagaalka ah iyo gorgortan iyo heshiis aan dheef lahayn. Xillli dhallinyaradu tahriib iyo shaqo la’aan la tacaalayaan, dhaliilidda masuuliyiinta xisbiga iyo hoggaankiisu waxa uu noqday wax sahlan oo la fududaysto. Sheekooyinka ku saabsan iska caabbinta oo hore muqaddas u ahaa, maanta waa lagu maadsadaa, halka sheekooyinka ku saabsan guulaha xukuumadda Federaalkuna aanay mucaaradad badan lahayn.
Raya oo ah barta uu kasoo jeedo Getachew Reda, aadna loo hagraday – waxa laga dhisay dhaqdhaqaaqyo Tigray ah oo xukuumadda taageersan, waxaana ugu horraysa jabhadda Simret, oo sal xooggan leh. Abiy Axmed tan wuxuu u arkaa guul dhab ah oo istiraatiiji ah, se haddana weli u heellanaanta TPLF waa ay taagantahay, cabsida laga qabo inuu TPLF iyo Eretariya cusboonaysiiyaan isbahaysigooduna waa mid taagan, Raya-na u rogaya bar dagaal.
Isbeddelladii u dambeeyey waxa ay muujinayaan in giraantu dhinaca kale isu rogayso, bishii Ogos, si hoose waxa xilka looga qaaday guddoomiyaha gobolka oo Simret ka tirsanaa, Haftu Kiros, kursigiisana lagu beddelay gabadh ay TPLF wadato, Zinabu Gebremedhin, arrinkan oo tilmaan u ah TPLF dib isu soo celinayso. Sidaas darteed, isbeddelladu sidaas bay ku soconayaan, oo xitaa in malleeshiyaadka deegaanku fallaagadoodii ku laabtaan lama qariibsanayo.
Bilo ka hor Heshiiska Biritooriya, dadku waxa ay ka midaysnaayeen iskacaabbin jabhaddu horkacayso, dhaliilidda xisbiga ama ammaanta Xisbiga Barwaaqo ee Abiy hoggaamiyaa waxa loo arkayey dhabarjabin, se hadda arrinkaas la isku raacsanaa wuu qarsoomay.
Istaraatiijiyadda Federaalku waxa ay keentay raad argagax leh: suququlinta dhaqaale, joojinta dib-u-dhiska, iyo dhiirrigelinta qaxa dhallinyarada. Addis waxa ay nolosha deegaanka kaga tagtay bar bannaan. Dhinaca kale, dabarrada Eretariya iyo jabhadda Faano ayaa sii adkaynaya khiyaarrada Abiy, se haddana, xayiraadda dhaqaale ayaa dhibta u weyn leh, oo rejobeelka, qaxa iyo ishiifidda gudahaba keenay. Dadka falanqeeyayaasha ahi waxa ay ka digayaan in rejobeelka sidan ahi TPLF ku khasbo in ay dagaalka ku laabato. Haddii arrinkani dhaco, waxa ay u badantahay in Afawerki uu garab istaagi doono, isagoo ka xanaaqsan in Abiy garabkiisa ka baxay markii uu qaatay Heshiiska Biritooriya, sidoo kalena ka cadhaysan damaciisa deked uu ke yeesho Badda Cas.
Wakhtigan la joogo, nabaddu cago adag kuma taagna. Kala qaysanaanta ka dhex jirta Tigraygu waxa ay fursad u siisay madaxweynaha maamulka ku meelgaadhka ah ee deegaanka, Taddese Wereda, in uu dhinac saddexaad istaago, oo aanu midna la safan; jabhadda ama Addis. Waa nin lagu yaqaano hadalkiisa kooban iyo in aan si fudud loo akhrin, waana sababta labada dhinacba u dhawrayaan warkiisa. Tallaabooyinkiisa istiraatiijiyadaysan ee kulmista tanaasul iyo ku adkaysi isdiiddo noqdaa waxa ay muujinayaan: wiiqidda salkii awoodda jabhadda iyo ka fogaanshaha in uu u muuqdo in uu si toos ah xukuumadda dhexe u raacsanyahay, habka kaliyee arrinkaas sahli karaana waa in uu maamulkiisa dhexdhexaadnimada dhidibbo uga taagaa.
Taatikooyinka Abiy Axmed ee isbeddelayaa waxa ay TPLF ku khasbeen in ay difaac gasho
Arrinkani waxa uu sababayaa dhaawac gudaha oo qotodheer, markastana ku filan in uu soo nooleeyoo cabsida laga qabo kala qaybsan cusub. Waa run in shir dhawaan ahaa lagaga heshiiyey khilaaf korxaadis ah, se markan waa dhib dibadda xisbiga ka imanaysa. Walaacu ma aha mid dhammaaday, werwerka soo laabashada kala qaybsankuna waa mid ka taagan Maqalle.
Mustaqbal madow
Khariidadda Tigray waa mid si aad ah u sii kala qaybsamaysa. Dhinac ku baaqaya in Isfahan iyo wadashaqayn lala yeesho Eretariya, iyo garab ay Simret hoggaaminayso, oo ku baaqaya la jaanqaadidda Addis Ababa. Labadan dhinac baa kala jiidanaya aragtida dadweynaha, laba jiho oo kala duwanna ula socda, arrinkan oo sii beeraya cabsi dheeraad ah oo laga qabo sii kala qaybsan.
Taatikooyinka Abiy Axmed ee isbeddelayaa waxa ay TPLF ku khasbeen in ay difaac gasho, laakiin ma cadda ilaa heerka ay jabhaddu awooddo in ay cadhadeeda dagaal u beddeli karto. Kala qaybsanaanta gudeed, dhalashada maamul ku gaadh ah oo u janjeedha dhinaca heshiiska iyo bulsho kala qaybsan, dhammaan waa arrimo jabhadda aan u saamaxayn dagaal ay gasho. Addis Ababa waxa ay ku guulaysatay in ay caqabadaheeda si guul leh u maamusho, haddana dhinacyo dhawr ahba dhibaatooyin baa ka karkaraya, oo iyadoo horeba Amxaarada iyo Oromada jabhado u jireen, isbahaysiyada cusub ee siyaasiyiin caaan ahi waxa ay hoos usii dhigayaan intii hadhsanayd taageeradii shacab ee awalba tabcaanka ahayd, waana taageero marka horeba sii wiiqmaysay korodhka maciishadda awgii. Si la mid ah jabhadda, arrimahan laftoodu waxa ay xukuumadda ka hor istaagayaan inay dagaal cusub gasho. Ka sokow jawiga hanjabaadda ah ee iska jira, ma fududa in Abiy dagaal faraha la galo, ka hor intaanu bakhtiin holoca gudaha kale.
Sidaas oo ay tahay, dad arrimahan u dhuun daloolaa waxa ay leeyihiin, arrinku waa mid wakhtiga ku xidhan. Waa dhif in Geeska Afrika arrimaha siyaasaddu jid maangal ah ku socdaan, ee waa kuwo ku qaabaysma duruufta, iskudhaca iyo kedisyada joogtada ah. Xaaladahan oo jira, ku laabashada dagaal kale waa wax weli suurogal ah.

