(Hortabin Media) – Walaac xooggan ayaa waqtigan laga muujinayaa inuu fataho webiga Shabeelle, waxaana soo kordheysa baaqyada ay bixinayaan hay’adaha Qaramada Midoobay.
Meelaha ugu daran ee fatahaadu in ay saameyso laga cabsi qabo ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in labada casho ee soo socota, cabsi laga qabo inuu webiga Shabeelle ku fataho Baladweyne, isla markaana ay ka dhalato khasaare lixaad leh.
Waxaa Hay’adda FAO SWALIM laga soo xigtay in fatahaadaha ay sidoo kale saameyn karaan gobollada Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Mudug.
Roobabka deyrta oo sanadihii la soo dhaafay aan si xooggan u shubin, ayaa waqtigan ka curtay gudaha dalka, waxaana roobabka sanadkan la filayo laga cabsi qabaa in ay saameeyeen nolosha dad rayid ah.