Guud ahaan Gobolka Gedo ayey xilligan ka taagan tahay marxalad cakiran, oo ay sababeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta.
Roobabka deyrta ee ka da’ay gudaha Gobolka Gedo ayaa saameeyey nolosha dad badan, wuxuuna xanibay dha dhaqaaqii ganacsiga gobolkaasi.
Roobabka daadadka wata iyo fatahaada webiga Juba oo is biirsaday ayaa sababay in ay tiro dad ah ay ku geeriyoodaan gudaha gobolka Gedo.
Magaalooyinka Ceel- Waaq, Baardheere, Garbahaareey, Luuq, Doolow ayuu dhamaantood si siman u saameeyey roobka deyrta, waxaana ka jirta iminka xaaladdo adag.
Dadka ku dhaqan magaalooyinkaasi ayaa dalbanaya gurmad deg deg ah, si wax looga qabto xaaladda adag ee ay wajahayaan, taas oo sii kordhi karta, maaddaama roobabku weli socdaan.