Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Puntland ayaa la wareegay koontarool ku yaalla Magaalada Boosaaso.
Ciidamadan oo ka cabanaya mushaar la’aan ayaa si gaar ah ula wareegay koontoroolka laga ilaaliyo dekada Boosaaso, taas oo dhalisay xiisad cusub.
Ciidamadan ayaa sheegay in muddo lix bilood ku siman aanay wax mushaar ah qaadan, waana kuwa wato gadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Xaaladda ka taagan Boosaaso ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka qarxo dagaal, maaddaama ciidamadu ay isku dayayaan in ay xoog ku galaan dekada Boosaaso.
Wixii warar ah ee ku soo kordha, waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena xiga, hadduu alle ka raalli noqdo.