Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay nin askari ah oo qof shacab ah ku dilay gudaha degmada Deyniile.
Booliska ayaa sheegay in ay soo qabteen askarigan oo baxsad ah, waxaana xabad ay uga fakatay hooyo Soomaaliyeed.
Haweeneyda ay haleeshay rasaasta qoriga askariga ka dhacday ayaa lagu magacaabi jiray Farxiyo Nuur Maate, waxaana ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray xabadihii ku dhacay.
Booliska ayaa sheegay in askariga ay caddaalada ku horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxeyna intaasi ku dareen in tallaabo laga qaadayo askarigii fal ceynkaasi oo kala ah ku dhaqaaqa.