Booliska soomaaliya ayaa ka warbixiyey hoobiyayaal xalay lagu soo tuuray degmooyin ka tirsan gobolka banaadir waxaana boolisku uu sheegay in ay sameeyeen howlgal ballaaran oo ay ku soo qabteen hoobiyayaal gaaraya 140 xabo
Afhayeenka ciidanka booliska gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ka hadlay qaabka uu howlgalka u dhacay oo sida uu sheegay ahayd sidii ugu habooneyd.
Afhayeenka ayaa sidoo kale shacabka gobolka banaadir ka codsaday in la soo xariiraan ciidanka booliska haddii ay arkaan falal lidi ku ah amniga gobolka.
Gudaha magaalada muqdisho waxaa mararka qaar xiliyada habeenkii ku soo dhaca hoobiyayaal kuwaas oo ku habsada qeybo ka mid ah xaafadaha caasimada iyagoo geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.