Xilli magaalada Chicago uu ka furmay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ayaa waxaa halkaasi khudbad taariikhi ah ka jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Khudbad oo ka mid ah kuwii ugu danbeeyey ee uu u jeediyo Dimoqoraadiyiinta ayaa ahayd mid qiiro badan oo tiiraanyo ku abuurtay taageerayaasha Dimoqoraadiyiinta.
Sida shaashada laga dheehayey Biden ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay makarafoonka ku soo dhaweysay gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.
Kumannaanka qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.
Biden oo dhinacyo badan ka hadlay, ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda Ameerica, isagoo sidoo kalana difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka, wuxuuna intaasi ku daray inuu wax badan qaban doono bilaha u haray ee gabaabsiga ah.
Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Gaza ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Gaza.