Beesha Faca weyn leh ee Gaaljecel Saransoor oo dhawaan si cad uga soo horjeesatay hannaankii loo qeybiyey, kuraasta golaha deegaanka ee magaalada Jowhar, ayaa dowladda dhexe iyo maamulka hirshabelle ka sugeysa in ay dib u saxaan qaladkii dhacay, isla markaana laga garaabo tabashada jirta.
Beesha oo ah mid muunad iyo sucad weyn ku dhex leh qabiilada Soomaaliyeed, degtan dhul aad u baaxad weyn ayaa habkii loo qeysaday kuraastaasi ku tilmaanta mid aan loo maamulin qaab caddaaladeed.
Dhawaan kulan ay isugu yimaadeen dhallinyarada iyo waxgaradka beesha Gaaljecel ayey ka muujiyeen tabashada jirta, iyagoo shaaciyey mowqifkooda ku aadan kuraastii golaha deegaanka ee la qeybiyey.
Dhalinyaradii aqoonyahanka ahayd ee madasha ka hadashay ayaa carabka ku dhuftay in lagu xadgubay masiirka beesha Gaaljecel, oo sida la ogsoonyahay, si ballaaran u degta magaalada Jowhar.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga dhursugayaa in baaqan ay ka soo jawaabto, si aanay is faham darro iyo khilaaf hor leh aanu uga dhex abuurin dadka wada dega Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
Beesha Gaaljacel Saransoor ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee miisaanka culus ku leh dalka, taa oo qeyb ka ahayd halgankii Soomaaliya looga eryey Isticmaarkii dad duleystay.
Waxaan sidoo kale ay beeshu tahay qabiilada fara ku tiriska ah ee daga inta badan dhulka Soomaalida, waa beel looga bartay ilaalinta dhaqanka, iyadoo beelaha kale uga tilmaaman nabad jaceelka iyo daris wanaaga.