(Hortabin Media) – Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ayaa dhawaan xukunno kala duwan ku riday Sheegow Axmed Cali oo hore uga tirsanaa milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan oo ilaalo u ahaa.
Sheegow iyo xulufadiisa oo ku eedeysnaa dhac iyo qal qal galinta amniga degmada Dharkeenleey, ayaa xabsiga dhexe loo taxaabay, kadib markii ay Muqdisho kula dagaaleen ciidamada xasilinta Xamar.
Xukunka Sheegow Axmed Cali oo ah 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyo magta askari la sheegay inuu dilay intii uu socday dagaalkii uu la galay ciidamada dowladda.
Xildhibaanada iyo waxgaradka beesha uu ka soo jeedo ee Jareer-weyne ayaa si aad ah uga soo horjeestay xukunkaasi, waxeyna ku tilmaameen mid caddaalad darro ah.
Waxey sidoo kale nasiib daro ku tilmaameen xukunkii lagu riday Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) oo ah taliyaha maleeshiyada Sheegow, kaas oo lagu xukumay dil toogasho ah.
Qareenada u doodayey Sheegow ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka lagu riday, kaas oo sida ay xuseen ka fog caddaalada.