Fadhi ay maanta yeesheen gollaha Barlamanka Puntland ayaa lagu ansixiyey, wax ka baddelka Dastuurka maamulkaasi.
Fadhiga maanta waxaa goobjoog ahaa 35 mudane, waxaana shir gudoominayey gudooomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenadiisa koowaad iyo labaad.
Waxaa u codeeyey in dastuurka maamulkaasi wax laga baddelo 34 Mudane, waxaana diiday hal xubin, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay.
Arrintan wax ka baddelka Dastuurka Puntland ayaa dhalisay xiisad aad u ballaaran, iyadoo uu saakay Garoowe ka dhacay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.