Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlay qaraxii Isniintii aynu ka soo gudubnay lagu beegsadya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxan oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxaa ka dhashay shaki fara badan, waxaana xildhibaanadu ay sheegeen in qaraxaasi ay soo maleegeen dad ka tirsan dowladda.
Xildhibaanadii ka hor hadlay Barlamanka ayaa codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo waxyaabihii fududeeyey qaraxaasi inuu ka dhaco kulliyadda Jaalle Siyaad.
Xogaha ay helayso Hortabin Media ayaa sheegaya, in qaraxaasi loo xiray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay fududeeyeen qaraxaasi.
Qaraxii ka dhacay Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa abuuray hadal heyn aad u fara badan, waxaana jirta in 13-ka mid ah ciidamadii goobta ku geeriyooday ay ka soo jeedeen hal beel.