Cabasho ba’an ayaa ka soo yeereysa qoysaska barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya xaalad hoy la’aan ah.
Roobabkii dhawaan da’ay ayaa saameyn culus ku yeeshay qoysaskan aqaladooda, oo markii horeba ka sameysnaa cooshado aan awood badan lahayn.
Barakacayaashan ayaa cod dheer ku sheegaya in ay tuban yihiin ban cidlo ah, waana kuwo u nugul roobabka xoogan ee ka da’ya gudaha dalka.
Haweenka iyo caruurta ayaa ah kuwo wajahaya xaaladda ugu adag, waxaana haweenka qaarkood ay yihiin kuwo uur leh oo misana wata caruur aad u da’ yar.
Dowladda Soomaaliya ayey ka codsadeen in baaqooda ay u dhaga nuglaato, inta aanay kordhin khasaaraha la filayo in ay roobabka geystaaan.