Kaamka Iidle oo ku yaalla, waaxda Halgan ee degmada Dayniile, waxaa xaalad adag ku wajahay qoysas Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo barakacay qaar ka mid ah gobolada dalka, sababo la xiriira Fatahaadaha iyo daadadka El-nino ee ku dhuftay Soomaaliya.
Fatahaadihii ay sameeyeen webiyada dalka, ayaa cagta mariyey dalagyadii la filayey in ay sanadkan soo go’aan, sida uu ku waramay Cabdulaahi Yuusuf, oo ka tirsan beeraleyda ka soo barakacday degmada Bariire.
Faadumo Madeey, ayaa soo hadal qaaday in dihaal iyo rafaad ay ka dhaxashay safarkii ay ku soo begsatay kaamka ay ka joogto Muqdisho, waxaana dhanka kale ay ka deyrisay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin.
Barakacayaashan ayaa waxaa ku jira, kuwo xubno qoysaskooda ka mid ah ku waayey fatahaadihii ay sameeyeen webiyada dalka, waxaana dadkaasi ka mid ah Khadiijo Cali oo ka timid Magaalada Jowhar, taas oo ay ayeeydeed ku geeriyootay fataahada.
Gobolka Gedo oo ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay fatahaada uu sameeyey webiga Juba, ayaa qeyb ka ah goobaha ay barakacayaashani ka yimaadeen.
Ugu danbeyntii oo ah horjoogaha kaamka ay barakacayaashan ku dan dareysan yihiin, ayaa ka warbixisay dhibaatada ay qabaan, waxana dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday in dadkan gurmad lala soo gaaro.