Xilli maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka tubaakada, ayaa kordhaya dadka Soomaaliyeed ee u geeriyoonaya dhibaatooyinka caafimaad ee ay leedahay Tubaakada.
Tubaakada qoyan, iyo mida qalalan ee laga sameeyo sigaarka, ayaa isticmaalkeda ku baaheysay Soomaaliya tan iyo xornimadii, mana jirto wacyi galin ballaaran oo ay heleen kuwa qabatimay.
Noocyada kala duwan ee Tubaakada, ayaa sanadihii ugu danbeeyey aad loogu iibinayey dalka, waxaana kordhaya dhaqaalaha sanadkii kaga baxa dadka isticmaala, kuwaas oo si joogto ah u iibsada.
Tubaakada oo laga dhaxlo cuduro ay ka mid yihiin, xanuunada ku dhaca wadnaha, Sanbabada, xididada dhiiga qaada, kansarka iyo suuska ilkaha, ayaa ah arrin aysan ku baraarugsaneyn shacabka Soomaaliyeed.
Kolka aad tagto Xarumaha Caafimadka ee Muqdisho, waxa ay indhahaagu qabanayaan bukaano badan oo dhibane u ah isticmaalka Tubaakada, taas oo waajib ka dhigeysa in la sameeyo wacyi galin ballaaran oo looga hortagayo halisteeda.
Doorka wacyi galinta ayaa looga baahan yahay in ay qaadato dowladda, iyadoo kaashaneyso culumada, bahda fanka, aqoonayahanada, iyo warbaahinta oo iyaguna muhiim tahay in ay dadka gaarsiiyan fariimo wacyi galin ah.
Dawladaha xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan halista faafitaanka tubaakada iyo khatarta ka dhalan karta, waxa ay sanadkii 1987-dii u aqoonsadeen 31-ka May maalinta la dagaallanka Tubaakada, wuxuuna gollaha Caafimaadka Adduunka soo saaray qaraarkan tirsigiisu yahay WHA40.38.
WQ: Ayaanle Qoyste