Saacadihii la soo dhaafay magaalada Baladweyne waxaa ka dilaacay xanuunka Shuban-biyoodka, kaas oo ilaa iminka soo ritay bukaano aad u fara badan.
Bukaanadan ayaa dhooban xarumaha Caafimaadka, waxaana u badan caruur, aad u liita, kuwaas oo doonaya daryeel caafimaad oo deg deg ah.
Shuban-biyoodka ka dilaacay Baladweyne waxaa u geeriyooday 11 qof oo ay ku jiraan caruur, waxaana laga cabsi qabaa in tiradu ay intaasi ka badato.
Bahda Caafimaadka Baladweyne ayaa ku baaqaya in dadkan lala soo gaaro daryeel caafimaad oo dhab ah, si loola tacaalo xanuunka oo iminka u muuqda mid sii faafaya.