Cabashada ay muujinayaan dhallinyarada ku shaqeysata mootooyinka bajaajta ayaa kordhaya, welina ma helin cid si rasmi ah uga jawaabta cabashadooda.
Dhallinyaradan ayaa ka cabanaya bur bur hareeyey qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho, kuwaas oo maristooda ay aad u adag tahay.
Bur burka wadooyinkan ayaa khilaaf ka dhex abuura bajaajlayaasha iyo dadka rakaabka ah ee saaran, maaddaama ay saacado qaadaneyso in qof walba la geeyo goobtuu rabay.
Dhallinyaradan ayaa sheegaya in wadooyinka qaar bur bur awgii aan la adeegsan karin, halka kuwo kale oo muhiim ahna ay u xiran yihiin sababo amni.
Maamulka Gobolka Banaadir oo dareensan caqabadan ayaa ilaa iyo iminka ka jawaabin cabashada bajaajlayaasha ee isi soo tareysa.
Bajaajlayaasha ayaa ah dhallinyaro, shaqo abuur sameystay, waase kuwo la kulmaya caqabada badan oo uu waayuhu keenay.