Qubarada amniga aqoonta u leh ayaa sheegaya, in koboc dhan walba uu saameynayo garabka Daacish ee Soomaaliya, waana mid keeni karta in ay ballaarato saameynta kooxda ee gudaha dalka.
Daacish ayaa ku xooggeysaneysa Koonfurta Soomaaliya, waxaana looga cabsi qabo in ay kordhiyaan weerarada argagaxiso ay Kooxdan ka fuliso dalka.
Kooxdan oo markii hore ku dhuumaaleysan jirtay buuraha gobolka Bari ee Puntland, ayaa laba jibaartay weerarada u badan dilalka qorsheysan ee ay ka gaysaneyso Koonfurta Soomaaliya, waxaana dhawaan ay baahisay muuqaal ay ku jiraan dilal Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo duleedkeeda.
Dilalkan qorsheysan ayey ku fuliyeen Askar, Ganacsato, iyo Odayaal dhaqameed, waana kuwa leh kaamiro-maan fal kasta oo dil ah ka duuba muuqaal, taasoo ah arrin ay Al-Shabaab kaga duwan yihiin dhanka falalka argagaxiso marka ay geysanayaan.
Waxaa saameyntooda korartay kadib markii dhaqaale fara badan ay ka heleen gudaha dalka, iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaata lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.
Ragga ka tirsan kooxdan ayaa u badan, kuwa hore ula soo shaqeeyey Al-Shabaab, kuwaas oo dhankaasi uga soo tagay sababo dhaqaale, maadaama Daacish ay waqtigan dhaqaale ka badan kan ay Shabaabku bixiyaan u hureyso kuwa ku soo biirayo, waxanna arintaasi lagu macneeyey soo jiidasho ay ku kordhineyso tirada iyo cududda maleeshiyaadkooda.
Waxaa jira loolan dhanka joogitaanka iyo awooda koonfurta Soomaaliya oo ka dhaxeeya Daacish Iyo Shabaabka, waxana kooxda Al-Shabaab ay ka hore soo saartay qoraal 95 bog ka kooban oo ay sharci darro ugu tilmaamayaan howsha daacish ee Soomaaliya, iyagoo maleeshiyaadkoodana ku booriyey dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Hase ahaate ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Daacish ay meelo ka mid ah koonfurta Soomaaliya kaga xooggan yihiin Al-Shabaab waxana goobahaasi ka mid ah Deeggaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye oo hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa buuraha Gobolka Bari ka soo if-baxday dhamaadka sanadkii 2015, waana mid ka unkantay kala jabkii soo kala dhex galay garabkii Al-Shabaab ee Puntland ka dagaalamayey, iyadoo uu hogaamiye u yahay C/qaadir Muumin oo 2016-kii dowladda mareykanku ku dartay liiska argagixisada lagu daba jiro.