Maamulka Puntland ayaa soo saaray awaamiir adag, oo wax looga qabanayo amniga Magaalada Garoowe, kaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka sii darayey.
Maamulka ayaa mamnuucay in magaalada lagu dhex wato gawaarida taargo la’aanta ah, isagoo sidoo kalana mamnuucay in magaalada lagu dhex qaato hubka aan sharciyeysneyn.
Go’aanada ayaa ka soo baxay, kulan looga hadlayey amniga Garoowe, oo saacadihii la soo dhaafay ka soconayey magaaladaasi oo xarun u ah maamulka Puntland.
Awaamiirta maamulka ayaa ku soo aaddaya xilli Garoowe ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa mucaaridka iyo maamulka, isla markaana maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal xooggan oo geystay khasaare kala duwan.