Askari ka tirsan Ciidanka dowlada ayaa isgoyska digfeer ku dilay wiil dhallinyaro ah oo saarnaa mooto bajaaj.
Ma cadda sababta askariga uu u dilay wiilka dhallinyarada ah, waxaana meydkiisa la geeyey xarunta denbi baarista ee CID.
Sidoo kale askari ka tirsan dowladda ayaa dil ugu geystay Muqdisho, nin 40 jir ah, kaas oo dhawaan ka yimid gobolka Mudug.
Askarta dilka geysatay ayaa baxsatay, welina laamaha amniga arrintan kama aysan hadlin, iyadoo shacabkuna ay aad u hadal hayaan.
Ma ahan markii ugu horaysay oo sidaan oo kale ay ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana inta badan soo noq noqda dilalka ay askarta u geysanayaan dadka rayidka ah.