Kooxda Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Bardaalle ee gobolka Bakool.
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah, ayey ciidamada Itoobiya iska caabiyaan kooxdii soo weerartay sida ay warbaahinta u sheegeen.
Dhinacyada ayaa intii uu dagaalka socday isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxana daryanka madaafiicda laga maqlayey guud ahaan magaalada.
Inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, haddana dadka deegaanka qaarkood ayaa ka barakacay magaalada, sababo la xiriira wal wal uu ku xanbaaray dagaalka.