(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga gobolka Baay.
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa lala beegsaday saldhiga ay Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwo ATMIS ku leeyihiin Diinsoor, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagalka oo ahaa mid toos ah, ayaa socday wax ka badan saacad, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayey guud ahaan degmada Diinsoor.
Dhinacyada ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee saraakiisha amniga gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in la iska caabiyey kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan Al Shabaab ay ka soo horjeesatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, waxaana sida ku caddeyd hadalkooda ay fariin goodin ah hawada u mariyeen Itoobiya.