Kooxda Al Shabaab ayaa weeraro saf mareen ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada ATMIS iyo kuwo dowladda ku leeyihiin deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Kooxda ayaa weerarka koowaad ku qaaday fariisin ay ciidmada ATMIS ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare badan geystay.
Sidoo kale kooxda ayaa weeraro saf ballaaran ah ku qaaday fariisimo kale oo ku yaalla degmooyinka Qoryooley, Buufow iyo Labmar Lixdan oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhamaan fariisimadan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ATMIS iyo kuwo dowladda, ayey hal mar ka dhaceen weeraro ay soo qaaday Al Shabaab, hase ahaatee waxey la kulmeen iska caabin.
Al Shabaab ayaa guullo ka sheegtay weeraradaasi, halka dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ay ka gaabsadeen, ka jawaabida sheegashada Al Shabaab.