Subaxnimadi hore ee saakay Kooxda Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday Saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Masagawaay ee Gobolka Galgaduud
Weerarkii Saakay ayaa ku billawday, qaraxyo ay Al Shabaab la beegsadeen afaafka hore ee Saldhigga, waxaana xigay dagaal toos ah, kaas oo gil gilay gudaha degmada.
Ilaa iyo iminka lama ogga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii saakay, balse saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkii dhacay aroornimadii hore ee maanta.
Saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen kooxdii weerarka ku soo qaaday, oo uu hadafkoodu ahaa in ay la wareegaan saldhigga ciidamada dowladda ee Masagawaay.
Waxaa iminka gudaha Masagawaay ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda, oo lagu xaqiijinayo amniga degmada, kadib weerarkii kadiska ahaa ee saakay.
Al Shabaab ayaa kordhiyey weerarada rogaal celiska ah ee ay ku soo qaadayaan goobihii laga qabsaday, iyagoo inta badan weerarada fuliya subaxnimada hore, waana cashar muhiim ah in ciidamada dowladda ay daruus ka dhaxlaan.