Kooxda Al Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka oo ku billawday qaraxyo xooggan ayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan la heynin tiro sugan.
Inta uu dagaalku socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana barakacay dadkii deganaa degmada Qoryooleey intooda badan.
Al Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin dalka, iyagoo maalmo ka hor weeraray saldhigii ciidamada ATMIS ee Magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.