Kooxda Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Geriley, waana mid ka mid ah saldhigyadii dhawaan ciidamada dowladda lagu wareejiyey.
Weerarka ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigan ayaa ku billawday qaraxyo, waxaana xigay dagaal toos ah, kaas oo geystay khasaare kala duwan, inkastoo aanan weli la henin tiro sugan.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujiyey dagaalka dhex maray labada dhinac, waxeyna sheegeen in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka oo qaatay saacado badan, ayaa soo de-dejiyey in dad deegaanka qaarkood ay ka barakacaan guryahood, kuwaa ilaa iminka walaac ka muujinayo in ay dib ugu laabtaan aqaladooda.
Ciidamada Jubaland, oo saldhigan ku sugnaa, ayaa guullo ka sheegtay dagaalkii ay Al Shabaab ku soo qaadeen saldhigii ku yaallay Geriley, waxeyna tibaaxeen in khasaare badan ay ku gaarsiiyeen kooxdii weerarka ku soo qaaday.
Saldhigan oo ay gacanta ku hayeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya, ayaa todobaad ka hor lagu wareejiyey ciidamada dowladda, iyadoo la tixgalinayo qorshaha lagu dhimayo tirada ATMIS.