(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa isku howlaya in ay waji beeleed u yeelaan dagaalka ka dhanka ah ee lagu wado in looga saaro meelaha ay ka joogaan gudaha dalka.
Kooxda ayaa dhawaan soo abaabushay odayaal dhaqameedyo ku abtirsada dadka dega degmada Ceelbuur, kuwaas oo ka soo muuqday warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab.
Odayaashan ayaa hanjabaad hawada u mariyey beelaha ay ka soo jeedaan ciidamada Macawiisleyda ee qeybta ah wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Odayaashan ayaa beelaha ciidamadaasi uga digay in wiilashooda ay weerar ku soo qaadaan Ceelbuur, taas oo sida ay sheegeen u dhiganta in la soo weeraray beeshooda, isla markaana ay iyaguana is difaaci doonaan.
Kooxda ayaa sidoo kale abaabushay dhallinyarada beelaha ay ku sugan yihiin deegaanadooda, iyagoo u dhiibay hub kuna wargaliyey in ay difaacdaan deegaankooda oo ay weerar ku soo yihiin beelo kale.
Dhacdooyinkan ayaa qeyb ka ah caburinta ay ururka ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay ka arrimiyaan, waxaana odayaasha hadlayey ku jiray kuwo ka tirsan ururka gaar ahaan qeybta qaada lacagaha baadda ah ee ay ugu magac dareen Zakawaatka.