Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa duleedka magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen gaariga xamuulka ah ka hor inta uusan qarxin. Kooxda Al-Shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qaraxaasi uu ku shahiiday sarkaal ka mid ah ciidanka qaranka oo lagu magacaabo Takar Subagle.
Khasaaraha rasmiga ah ayaan weli si buuxda loo shaacin.
Maxamed Xuseen, Muqdisho