Kooxda Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deeegaanka Grileey, kadib dagaal ay ku qaadeen ciidamada Jubaland oo ku sugnaa halkaasi.
Dagaalka ka dhacay ayaa socday ku dhawaad 4 saacadood, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Girileey oo ku taalla gobolka Gedo, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa gacanta ku hayey ciidamada dowladda, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii ATMIS ee maamulayey amingeeda.
Girileey ayaa ka mid ah 6 saldhig oo dhawaan ciidamada Kenya ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda.