Kooxda Al Shabaab ayaa ka hadashay heshiiska difaaca badda ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana kooxda ay si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaasi.
Afhayeenka kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid nasiib darro ah, wuxuuna ku sifeeyey in Turkiga loo saxiixay badda Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in heshiiskan iyo kii Itoobiya ay la gashay Somaliland aanu waxba ku kala duwaneyn, wuxuuna eed dusha uga tuuray Madaxweynayaasha kala ah Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa xusay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ay badda Soomaaliya ka kala iibiyeen dalalka Itoobiya iyo Turkiga, taas oo uu ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.
Cali Dheere ayaa carabka ku dhuftay in Dowladda Turkiga ay xoog ku heysato Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, taas oo uu tilmaamay in ay gacanta u galisay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna niyad jab ka muujiyey in loogu darro badda Soomaaliya.

