(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa isku dayeysa in ay qal qal xooggan galiso amniga magaalada Caasimada ee Muqdisho, xilli ay caddaadis kala kulmayaan gobollada dhexe.
Kooxda ayaa maalmihii ugu danbeeyey sameysay isku dayo, iyagoo magaalada soo galiyey gawaari qaraxyo ah, kuwaas oo ay markii danbe fashiliyeen ciidamada amaanka.
Bilihii ugu danbeeyey waxaa hoos u dhacay weeraradii ay Al Shabaab ka fulin jireen Muqdisho, waxaana 5-tii bilood ee la soo dhaafay laga nastay Hoteeladii iyo maqaayadihii ay qarxin jireen.
Guulaha dhanka amaanka ee Caasimada ayaa looga mahad celinayaa ciidamada xasilinta caasimada, kuwaas oo si joogta ah u taagan wadooyinka magaalada, iyagoo baaritaano ku sameynaya gawaarida noocyadooda kala duwan.