(Hortabin Media) – Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoonaan karo oo aanu helayno waxey Al Shabaab ilaa waqtigan ganacsatada ka qaadaa lacagihii baadda ahaa ee ay horey uga qaadi jirtay.
Dowladda Soomaaliya oo joojisay lacagahan, isla markaana u digtay ganacsataa ayaanu shaqeyn amarkeeda, waxaan jirta in si hoose ay Al Shabaab u qaadato lacagahaasi.
Kolkii hore ganacsatada ayaa akoono ku shubi jiray lacagaha baadda ee laga qaado, balse iminka waxaa loo soo diraa shaqsiyaad ay u soo dhiibaan.
Ganacsatada qaar ayaa inoo sheegay in loo soo diray fariimo handadaad ah, waxaana ganacsadihii diida inuu lacagta dhiibo qal qal galaya amnigiisa.
Ganacsatada ayaa sheegaya in ay u baqayaan amnigooda, maaddaama dowladdu aanay siineyn damaanad buuxda oo ku aaddan amnigooda, waana sababta kelifeysa in ay bixiyaan lacagaha baadda ee ay Al Shabaab ugu yeerto Sakawaatka.